Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa sameysay koboc dhinaca waxbarashada sanadihii danbe waxaana meesha ka baxday ardaydii waxbarashada u aadi jiray dalalka dariska sida dalka Kenya iyo Itoobiya taas badalkeedana waxaa degmada ka shaqeeya manhajka mideysan ee ay soo diyaarisay wasaaradda waxbarashada soomaaliya.
Maamulayaasha dugsiyada degmadaas ayaa dhankooda kawarbixiyay waxa ay ardayda baraan.
dhankooda qaar ka mida ardayda wax ka barata iskuulada Beledxaawo ayaa sheegay iney haadan heystaan waxbarasho tayeysan.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor