Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxa la ciyaaray kulamadii 12-aad ee horyaalka premier League iyada oo la ciyaaray kulamo xiiso leh.
Kooxda Man City ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulmay kooxda Tottenham kulan ka dhacay Etihad.
Dhinaca kale Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda Ipswich kulankii ugu horeeyay ee tababare Amorim.
Liverpool, chelsea iyo Arsenal ayaa iyagu si xarago leh u badiyay kulamadii ay ciyaareen todobaadkan.
Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaad horyaalka premier League.
Kooxaha Tottenham, iyo west Ham ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh min 3 xiddig.
Kooxaha Liverpool, Chelsea, Wolves iyo Arsenal ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.