Kulan looga hadlayay wax ka beddelka Dastuurka Dalka oo lagu qabtay Nairobi.

0
50

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adaha dowladda ee ka shaqeeya arrimaha dastuurka ayaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya waxaa ay ku qabteen kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya looga tala gelinayo dhamaystirka Dastuurka dalka.

Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno katirsan guddiyada kabada aqal ee dhamaystirka Dastuurka ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulankan oo qurbajoogta Soomaaliyeed ay aragtidooda kula biirinayaan Dastuurka.Shirka oo ay kasoo qayb-galeen Muwaadiniinta Soomalaiyeed ee ku nool dalkaasi Kenya gaar ahaan Caasimaddiisa Nairobi ayaa Waxaa Daah-furay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xassan Macallim Maxamuud ( Hassan Sheikhali ).

Waxaana Sidoo kale Shirka ka qayb galay Madax Sarre oo katirsan Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS & Hay’adaha uxil saaran Dastuurka , Qorshaha ayaa ah in Laballaariyo Latashiyada Dastuurka Lana gaarsiiyo Waddamo badan oo dunida ah Si Fursad loo siiyo Tallooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kunool Dalalkaasi.

Warkan waxaa faah faahinaya:Ahmed Mohamed Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here