Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka (SoDMA) Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa maanta Soo gaaray magaalada Dhusamareeb ee Caasimada Dowlad goboleedka Galmudug.
Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah Wasiirrada Wasaaradaha Gargaarka ee maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir waxaa garoonka diyaaradaha Dhusamareeb ku soo dhaweeyey Wasiirka Gargaarka Galmudug mudane Cabdiraxmaan Makaawi, Wasiirro kale oo State ah, maamulka Gobolka Galgaduud Iyo Masuuliyiin kale.
Warkan waxaa soo jeednaya: Abdulahi Abdulkadir Nor