Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Deegaanka Baxdo-gaabo ee gobalka Mudug ayaa lagu soo gabangabeeyay shir dib u heshiisiineed oo lagu xallinayay xiisad u dhaxeysay beelo walaalo ah oo halkaas wadaga.
Waxana shirka soo qabanqaabiyey Wasiir dowladlaha wasaradda arrimaha gudaha galmudug
Waxana goob joog aha shirka odayaasha dhaqanka labada dhinac ,maamulka deegaanka Baxdo-gaabo, haweenka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deeganka.
waxaa warkaan soo jeedinaysa: Sacdia Abdulqaadir Yusuf