Shirka dib-u-eegista mashaariicda caafimaadka Galmudug oo lagu soo xiray Dhuusamarreeb.

0
42

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)–Shirka dib-u-eegista mashaariicda caafimaadka ee Galmudug ayaa lagu soo xiray magaalada Dhuusamarreeb.caasimada Galmudug Shirkaas oo socday muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa adeegyada caafimaad ee Deegaanada Galmudug. Waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, hay’adaha caalamiga ah, iyo xirfadlayaasha caafimaadka, kuwaasoo ka wada hadlay xaaladaha caafimaad ee bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa mashaariicda caafimaad ee Galmudug

Waxaa sidoo kale shirka lagu soo bandhigay natiijooyinka mashaariicda socda iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu taageerayo adeegyada caafimaadka. Galmudug iyo hay’adaha kale ee ka qaybta ka ah shirka ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin inay sii wadaan ka shaqeynta hagaajinta adeegyada caafimaadka ee Deegaanada Galmudug.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here