Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Kulankaan ayaa waxaa si wadajir ah u shirgudoominayey Guddoomiye Ku-xigeenada Gobolka Mudug ee Galmudug, Axmed Shire Qoodaar, iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Ee Puntland Maxamed Xassan Waloore, waxaana ka qayb ahaa Duqa Degmada Gaalkacyo ee Galmudug , Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, iyo Dhigiisa Puntland Maxamed C/risaaq Daacad Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada Maxamed Ciise Xusseen. Iyadoo ay kasoo qayb galeen, Saraakiisha laamaha amniga ee heer gobol iyo degmo iyo saraakiil ka socotay hay’adda sirdoonka qaranka (NISA).
Kulanka ayaa Intii uu socday waxaa looga hadlay qodobo ay kamidyihiin:-
1. Xasilinta Magaalada Gaalkacyo.
2. Xal u helida Shaqaaqada kasoo cusboonatay Galbeedka Gobolka Mudug.
3. Is-weydaarsiga Arrimaha Amniga Guud Gobolka gaar ahaan Degmada Gaalkacyo.
Warkan waxaa faah faahinaya:Liban Mohamed Abdi