Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa diyaarisay gargaar bani’aadannimo oo loogu talagalay 13,000 qoys oo ku nool Galgaduud. Gargaarka, oo ka kooban 25 gaari xamuul ah, ayaa laga soo qaadi doonaa Muqdisho maalmaha soo socda, waxaana lagu wareejiyay masuuliyiin ka tirsan Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Hamdi Diriye Ali