Dhuusamareeb(Radio Daar-Dheer)-waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay dhismaha golaha deegaanka degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ee Galmudug oo ay gacanta kuhaysay wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib uheshiisiinta Galmudug kaib markii xalay golaha degaanka degmadaasi oo kakooban 21xybnood ay doorteen gudoomiyaha degmada Balanbal iyo kuxigeenkiisa.doorashada hoggaanka sare ee degmada Balanbal ayaa sida ay udhacday waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada arimaha gudaha federaalka iyo dib uheshiisiinta Galmudug,wasiiro kale oo katirsan Galmudug,xildhibaano iyo waxgaradka Balanbal qaybahooda kala duwan.Gudoomiyaha Balanbal ayaa loodoortay Cabdicasiis Xaashi Cali halka gudoomiye kuxigeenka degmada loo dooratay Jaamac Muxumud Diini.wasiirka wasaarada arimaha gudaha Galmudug ayaa kudhawaaqay natiijada doorashada gudoonka golaha deegaanka Balanbal.