Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka qayb galay munaasabad qalin jabin ah oo ay ka qeyb galeen 60 arday oo ka baxay Machadka Ummah ee magaalada Cadaado. Munaasabadda ayaa ahayd mid weyn oo si weyn loo soo dhaweeyay, iyadoo lagu sharaxay guulaha ay ardaydu gaareen iyo sida Machadka Ummah uu door muhiim ah uga qaatay horumarinta waxbarashada gobolka.
Munaasabadda waxaa sidoo kale ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasoo dhiirrigeliyay ardayda cusub ee qalinjabisay, isla markaana ku bogaadiyay dadaalkooda iyo guulaha ay ka gaareen tacliinta.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi