Maamulka Mudug oo ku baaqay in loo gurmado dad ku hanti beelay dab Gaalkacyo ka kacay.

0
41

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Gobolka Mudug ayaa maanta ku baaqay in gurmad degdeg ah loo fidiyo dadkii ay waxyeelada hantiyeed kasoo gaartay dab xooggan oo ka kacay mid kamid ah kaalinaha shidaalka ee ku yaalla magaalada Galkacyo.

Dabka ayaa kacay xalay fiidkii, waxaana la sheegay inuu sababay khasaare hantiyeed oo aad u baaxad weyn, inkastoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah. Guddoomiyaha degmada Galkacyo, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, ayaa warbaahinta la hadlay isagoo xusay in dabka uu ka dhashay shil farsamo oo ka yimid qalab shidaal lagu shubayay.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay goobta uu dabku ka kacay ayaa yiri:
“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan dadkii ka qeyb qaatay daminta dabka, balse waxaa jirta hanti badan oo ku bas-beeshay dabkan. Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, hay’adaha samafalka iyo shacabka reer Galkacyo in la garab istaago dadkii ay dhibaatadu soo gaartay.”

Dhankiisa, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, Axmed Daahir Cilmi, ayaa isna sheegay in maamulka gobolka uu diyaarinayo guddi si loo qiimeeyo khasaaraha rasmiga ah ee dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here