Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa gargaar ban’aadannimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.
Deeqdaan oo loogu tala-galay ku dhawaad 20,000 oo qoys, oo ah dadka nugl ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku hareereysan ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali