Madaxweyne Jimmy Carter oo Khamiista la aasayo.

0
14

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Meydka madaxweynihii hore ee Maraykanka Jimmy Carter ayaa hadda yaalla magaalada caasimadda ah ee Washington, DC ka hor inta aan la aasin Khamiista berri.

Carter oo ahaa madaxweynihii 39-aad ee Maraykanka, kana tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, kaas oo ka soo jeeday gobolka Georgia, ayaa ku dhintay da’da 100 jir.

Carter ayaa xilka madaxtinimo hayey intii u dhaxaysay 1977 illaa 1981. Waxa uu maray afar sano oo qallafsan, xilli ay jireen xasillooni-darro dhaqaale iyo xasarado caalami ah, kuwaas oo keenay in madaxweynihii Jamhuuriga ahaa Roland Reagan uu ka adkaado.

Siyaasiyiinta Maraykanka ayaa amaanay kaalintii Jimmy Carter.

Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kamala Harris iyo guddoomiyaha Aqalka Wakiilada ee Congress-ka Mike Johnson ayaa ka mid ahaa dadkii u murugooday Carter, iyada oo xarunta Congress-ka la dhigay naxashka meydkiisa oo calanka Maraykanka uu ku duuban yahay.

Meydka Carter ayaa sii oolli doona xarunta Congress-ka illaa Khamiista berri, iyada oo marka dambe loo qaadi doono kaniisadda National Cathedral ee magaalada Washington.

Madaxweyne Joe Biden oo muddo dheer ay Carter xulufo soo ahaayeen ayaa hadal tacsi ah jeedin doona.

Madaxweynayaashii hore ee Maraykanka oo uu Trump ku jiro ayaa la filayaa inay ka soo qeyb galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here