Tababar kusaabsan isla xisaabtanka oo looqabtay shaqaalaha dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

0
42

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Tababarkaan oo ku saabsanaa Isla Xisaabtanka ayaa waxaa soo agaasintay Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa loo qabtay qaybaha kala duwan ee shaqaalaha Maamulka Degmada Gaalkacyo, si loo horumariyo bixinta adeegyada loona xoojiyo hababka isla xisaabtanka ee ka jira Degmada Gaalkacyo.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray Fahamka muhiimadda uu isla-xisaabtanku u leeyahay Dowlad-wanaagga, dhiirrigelinta hufnaanta iyo habsami u gudashada howlaha maalinlaha ah iyo in shaqaalaha la siiyo awood ay ku hirgeliyaan xeelado iyo habab ay ku xoojiyaan kalsoonida dadweynaha si loo gaaro horumar waara.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here