Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka caafimaadka dowladda Galmudug, Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay wajiga kowaad ee tababarka gabdhaha adeegga MARWO-CAAFIMAAD. Tababarkan ayaa waxaa loogu talagalay in gabdhaha lagu baro xirfadaha iyo aqoonta ay ugu baahan yihiin inay ka qeybqaataan adeegyada caafimaadka ee gobolka, iyagoo sidoo kale kaalin ka qaadanaya horumarinta caafimaadka bulshada. Tababarku wuxuu noqonayaa mid muhiim u ah kor u qaadista adeegyada caafimaadka iyo taageerida qaybaha kala duwan ee haweenka deegaanada iyo badqabka bulshada reer Galmudug.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi