Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester United ma ogolaan doonto Marcus Rashford inuu u saxiixo koox Premier League ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga Bisha January sida ay wararku sheegayaan.
Rashford ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United si uu tartan cusub u raadsado.
Xiddiga reer England ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo dhawr ah oo ka mid ah Napoli, PSG, Barcelona Iyo Kooxo kale.
Laakiin Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarkooda qaybta dambe.
Si kasta ha ahaatee Man United ayaan u ogolaan doonin in uu Rashford ku biro koox kale oo ka ciyaarta Premier League.