Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Deegaanka Oodaale oo hoos taga degmada Balanbal ee gobolka Galguduud waxaa booqasho ku tegay guddi isugu jira culimo, qurbajoog iyo ganacsato deegaanka kasoo jeeda waxaana ay kulan la qaateen bulshada deegaankaas.
Guddigan oo u abaabulan nabadaynta deegaanno hoos yimaada degmada Balanbal oo beelo halkaas deggan ay muddaba ku dagaallamayeen, ayaa bulshadan layeesheen kulan looga hadlay sidii loo joojin lahaa colaadda.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdidahir Garad Ali