Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo sheegtay in 6-milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan xaalado adag.

0
39

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka (SoDMA) Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Md. George Conway ayaa wadajir u guddoomiyay shirka daah-furka qorshaha ka jawaabista baahida bani’aadinnimo ee Soomaaliya ee sanadka 2025.

Shirkaan oo diiradda lagu saaray xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ayaa lagu xusay in dad gaaraya 5.98 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar deg deg ah, taasoo lama huraan ka dhigeysa in la helo lacag dhan 1.42 bilyan oo dollar si loo gaaro dad ku dhow 4.57 milyan oo ruux oo abaaraha iyo colaaduhu saameeyeen.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here