kulan lagu soo bandhigayay waxqabadka Maamulka oo lagu qabtay Gaalkacyo.

0
38

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kulankan oo ahaa bandhigga wax-qabadka maamulka Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo Galmudug ee labadii sano ee lasoo dhaafay iyo xisaab-celinta dhaqaalaha ee maamulka ayaa lagu qabtay degmada Gaalkacyo, waxaana ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, maamulka Gaalkacyo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Bulshada ka qayb-gashay munaasabaddan ayaa duq degmada su’aalo ka waydiiyay wax-qabadkii maamulka labadii sano ee u dambaysay, Cabdiraxmaan Sheikh Xasan Guddoomiyaha Gaalkacyo ayaana su’aalaha uga jawaabay ka qayb-galayaasha.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdidaahir Garaad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here