Warbixin ku saabsan xuska maalinta caalamiga ah ee waxbarashada 24-ka Janaayo

0
26

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Bishii Diseembar 3, 2018, Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa u aqoonsaday Janaayo 24 inuu noqoto Maalinta Caalamiga ah ee Waxbarashada, si loo kordhiyo wacyiga ku saabsan helitaanka waxbarashada iyo muhiimaddeeda qof kasta.

Xaqa waxbarashadu waa qayb ka mid ah Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha, kaas oo faraya in waxbarashada aasaasiga ah ay noqoto mid bilaash ah oo qasab ah. Sidoo kale, Heshiiska Xuquuqda Ilmaha ee la ansixiyey 1989-kii wuxuu farayaa in dalalku ay ka shaqeeyaan sidii waxbarashada sare loogu heli lahaa qof kasta.

Warbixin ku saabsan xuska maalinta caalamiga ah ee waxbarashada waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here