Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka oo booqasho ku tagay xarunta maamulka Dhuusamareeb.

0
36

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdinta Qaranka ayaa booqasho ku tagay xarunta maamulka caasimadda Dhuusamareeb, oo ka mid ah goobaha lagu qaban doono diiwaangelinta iyo doorashada qof iyo codka ah.

Guddiga ayaa kormeeray xafiisyada maamulka caasimadda, waxaana soo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada, ku-xigeenkiisa, iyo Xoghayaha maamulka caasimadda.

Guddigu waxay sidoo kale la wadaageen maamulka caasimadda in diyaar garowga doorashada qof iyo codka ah uu si habsami leh u socdo.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifitaha Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here