Kooxaha Ay Real Madrid La Ciyaari Karaan Kulamada Is Reeb-Reebka Champions League.

0
32

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Real Madrid ayaa u soo baxday wareega is reeb-reebka ee Champions League xilli ciyaareedka 2024-2025.

Real Madrid ayaa Arbacada la kulantay kooxda reer France ee Brest, dhamaadkii kulamadii heerka Group-ka ee Champions League.

Real Madrid ayaa guul ka gaartay dhigeeda Brest, iyadoo saddex dhibcood oo nadiif ah jeebka ku shubtay xilli ay marti u ahayd dhigeeda Faransiiska.

Sidaas darteed, Real Madrid ayaa u soo baxday kulamada is reeb-reebka ee Champions League, iyadoo ku jirta kaalinta 11aad ee kala sarreynta.

 

 

Sida uu qabo sharciga tartanka oo ay ku jiraan 36 kooxood, sideeda kooxood ee ugu sareysa ayaa si toos ah ugu soo bixi doona wareega 16-ka.

Kooxaha ayaa ku jira kaalinta 9-aad ilaa 24-aad waxa ay ciyaarayaan kulamo isreeb-reeb ah oo laba lugood leh si ay ugu soo baxaan wareega 16-ka.

Kooxaha kaalimaha sagaalaad iyo tobnaad ku jira ayaa wajihi doona kooxaha kala ah 23-aad iyo 24-aad.

Kooxaha kala galay kaalmaha 11-aad iyo 12-aad ayaa la ciyaari doona kooxaha kaalimaha 21-aad iyo 22-aad.

Kooxaha kaalimaha 13-aad iyo 14-aad waxa ay wajihi doonaan kooxaha kaalimaha 19-aad iyo 20-aad, halka kooxaha kala ah 15-aad iyo 16-aad ay wajihi doonaan kooxaha kaalimaha 17-aad iyo 18-aad.

Kooxaha ay Real Madrid la ciyaari karto kulamada is reeb-reebka champions league 

Real Madrid ayaa wajihi doonta 21-aad ama 22-aad midkood tartanka champions League, sidaas darteed waxa ay wajihi doontaa midkood Celtic ama Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here