Agab Taakulo ah oo lagu Wareejiyey Ciidanka Xasilinta Gobolka Mudug

0
37

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madashada Nabad iyo Hormarinta Gobolka Mudug ayaa dhawaan agab taakulo ah ku wareejisay Ciidanka Xasilinta ee gobolka Mudug. Agabkan ayaa waxaa ka mid ahaa qalab, cunto, iyo sahay kale oo muhiim u ah hawlgalada ciidamada, iyadoo ujeedadu tahay in la taageero ciidamada si ay si hufan ugu fuliyaan howlgallada xasilinta iyo nabadeynta gobolka.

Taakuladan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo ammaanka iyo horumarka gobolka Mudug. Madashada Nabad iyo Hormarinta Gobolka Mudug, oo ka shaqeysa in la helo nabad waarta, ayaa marar badan bixisay taageerooyin noocan ah si loo xoojiyo awoodda ciidamada xasilinta iyo bulshooyinka ku nool gobolka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Ahmed Mohamed Jama

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here