Maamulka degmada Cadaado oo dhagax dhigay wadado isku xirta jaamacada Galmudug iyo laamiga.

0
30

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Farah Dirie Warsame, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Jaamacadda Galmudug iyo laamiga xaafadda Galbeed, oo dhererkeedu yahay 400 mitir Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Howlaha Guud iyo Dhulka, madaxa waxbarashada degmada cadaado, maamulka Jaamacadda Galmudug iyo shirkadda Danwadaag oo dhisaysa wadadaan.

Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta ayaa xusay muhiimadda ay wadadani u leedahay isku socodka bulshada iyo fududeynta gaadiidka ardayda dhigata Jaamacadda Galmudug.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here