Shaxda Ay Arsenal Kaga Hor Tagi Karto Man City.

0
28

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Arsenal ayaa wajaheysa Kooxda Arsenal kulan adag oo premier League ah.

Arsenal ayaa sugaysa xaalada David Raya iyada oo ka cabsi qabta in uu seego kulanka adag ee muhiimka ah.

Raya ayaa seegay kulankii Girona ee champions League walina waxa uu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kulanka.

Arteta ayaa isbedel ku sameeyay kulankii Girona waxana laga uu ku soo celiyo shaxda xiddigaha uu nasiyay kulankii champions League.

Jurrien Timber iyo William Saliba ayaa ku soo laaban doona shaxda halka Myles Lewis-Skelly uu ka ciyaari karo daafaca bidix ka dib markii lagu guulaystay racfaankii laga qaatay kaadhkii casaa.

Thomas Partey ayaa laga yaabaa in uu ku bilowdo Khadka dhexe halka uu ka garab ciyaari doono Declan Rice.

Xiddiga Ethan Nwaneri ayaa ku bilaaban doona shaxda kadib markii uu sidoo kale ciyaaray kulankii Girona.

Kai Havertz ayaa la filayaa in uu hogaamiyo weerarka kooxda Arsenal kadib markii la nasiyay kulankii champions League.

Neto; Timber, Saliba, Gabriel, Lewis-Skelly; Odegaard, Partey, Rice; Martinelli, Havertz, Trossard

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here