Wasaaradda Hawlaha Guud ee Galmudug ayaa tababar u qabatay shaqaalaha maamulka degmada Cadaado.

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug ayaa tababar ku qabatay degmada Cadaado, kaas oo lagu barayo habka mudnaansiinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha. Ujeeddada tababarku waa in la kordhiyo xirfadda waaxyaha degmada si ay si hufan u maamuli karaan mashaariicda qaybta ka ah mashruuca Dowlad Kaab.

Guddoomiyaha Cadaado, Faarax Diiriye, oo tababarka furay, ayaa xusay in fursad muhiim ah uu yahay tababarkan, maadaama uu jihaynayo mashaariicda horumarineed ee laga fulinayo degmada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Galmudug, Maxamed Cabdi Cilmi, ayaa tilmaamay in mashaariicda la qabanayo ay waafaqi doonaan halbeegyada Dowlad Kaab, iyadoo la eegayo kaabayaasha dhaqaalaha, sinnaanta bulshada, iyo qorshaha horumarinta Qaranka iyo midka Galmudug.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here