Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa dhagax dhigay dhismaha waddo cusub oo laga hirgelinaayo Waaxda Hanti wadaag ee Degmada Warta Nabadda.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Marwo Seynab Maxamuud Warsame Xaabsey ayaa sheegtay Waddadaan oo isku xiri doonta inta u dhaxeysa Mire Cali Buubaal iyo Suuqii hore ee Xoolaha, ay dhismihiisa iska kaashanayaan Maamulka Degmada iyo Bulshada Deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed