Chelsea Oo Ku Fashilantay Saxiixa Xiddig U Ciyaara Man City Suuqii January

0
49

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wargaysyada ayaa shaaca ka qaaday in Chelsea ay dooneysay inay la soo wareegto ciyaaryahan Manchester City ah intii lagu jiray january ee ugu dambeeyay.

Manchester City ayaa la soo wareegtay 4 ciyaartoy intii lagu jiray suuqii January si ay ugu xoojiso kooxda.

Kooxda Chelsea ayaa dhinaceeda kaliya la soo saxiixatay xiddiga Matisse Amogo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Saint-Etienne.

Wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee The Athletic ayaa xaqiijiyay in Chelsea ay Manchester City wax ka weydiisay suurtagalnimada ay kula saxiixan karto xiddiga Nico O’Reilly.

Si kasta ha ahaatee Man City ayaa albaabka ka xidhay in ay Chelsea hesho xiddiga 19 jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here