Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa Maanta Muqdisho ka daahfuray mashruuca “Ugbaad” oo lagu taageerayo beeraleyda iyo xoola dhaqatada uu saameeyay isbedelka cimilada.
Mashruucan ayaa diiradda saaraya horumarinta kaabayaasha muhiimka ah sida goobaha caafimaadka xoolaha, seerayaasha, biyo-xireennada, iyo waraabinta xoolaha, si loo xoojiyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed ee ku tiirsan beeraha iyo xoolaha.
waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkhadir Nor