Ganacsatada Dhuusamareeb oo soo dhoweeyay dadaallada lagu horumarinayo wadooyinka magaalada.

0
54

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xilli dhowaan maamulka Dhuusamareeb ay heshiis la galeen shirkad dhisi lahayd laamiga magaalada, ayaa arrintaas waxaa si weyn u soo dhoweeyey ganacsatada Dhuusamareeb. Ganacsatadu waxay sheegeen in burburka wadooyinka magaalada uu caqabado badan ku hayo ganacsigooda, gaar ahaan gaadiidka xamuulka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Heshiiskan cusub ayaa rajo gelinaya shacabka iyo ganacsatada, maadaama la filayo in dhismaha laamigu uu fududeeyo isku socodka iyo horumarka ganacsiga magaalada.

waxaa soo jeedineya: Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here