Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid oo kulan la qaatay ururada bulshada rayidka ah.

0
41

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Mudane Suleymaan Maxamuud (Fargax), ayaa caawa kulan la qaatay bahda Caafimaadka iyo bahda Waxbarashada ee Degmada Yaaqshiid. Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo isugu kaashan lahaa wacyigelinta iyo horumarinta bulshada.

Guddoomiye Fargax ayaa warbixin guud ka dhageystay bahda Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Degmada Yaaqshiid, kuwaas oo soo bandhigay caqabadaha iyo fursadaha ka jira qaybaha Waxbarashada iyo Caafimaadka, iyo sidoo kale qorshahooda ku aaddan sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen wacyigelinta bulshada.

Warkan waxaa faah faahinaya:Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here