Xuska Aas aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu Qabtay Dhuusamareeb

0
46

Dhuusamareebย (Radio Daar-Dheer)-Munaasabaddan ballaaran ee lagu maamuusayay sanad-guurada 55-aad ee aasaaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta ka qabsoomtay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Munaasabadda ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Dhuusamareeb, Mudane Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda Qorow), oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan saraakiisha, saraakiil-xigeennada iyo askarta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wuxuu sidoo kale ku amaanay kaalintooda muhiimka ah ee sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo xaqiijinta cadaaladda, isagoo muujiyay muhiimadda ciidamadaas ee ku aaddan daryeelka iyo xasiloonida bulshada.

Munaasabaddan ayaa muujisay aqoonsiga iyo taageerada loo hayo Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana sidoo kale lagu iftiimiyay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan ilaalinta nidaamka iyo sharciga

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here