๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ก๐š๐ฆ๐›๐š๐ฅ๐ฒ๐จ ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐š๐ฒ ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐€๐ฌ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐›๐ญ๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐.

0
22

Dhuusamareebย (Radio Daar-Dheer)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabadda 55-guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, ayaa hambalyo u diray qeybaha kala duwan ee Ciidanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin dib-u-habaynta ciidanka iyo horumarinta nidaamka caddaaladda, iyaga oo ka shaqeynaya dhaqan-celinta maxaabiista, waxbaridda iyo sugnaanta amniga xabsiyada dalka.

โ€œWaxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Sarreeyayaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xigeennada, Alif-leyda, Debleyda Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, waxaan u rajeynaya in ay sii wadaan dedaalka naf-hurrnimada ah ee aad dadkeenna iyo dalkeenna u haysaan in aad sii xoojisaanโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa, ayaa intii ay socotay munaasabadda sanad-guurada 55-aad ee Asluubta, xarigga ka jaray Isbitaal cusub oo ay leeyihiin ciidanku. Waxa uunna xusayn in Xukuumaddiisu xoogga saari-doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here