Dowladda Hoose ee Xamar oo howlo Nadaafadeed ka sameeyay Degmada Waaberi.

0
28

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa howlo nadaafadeed iyo faaro bixin ka sameeyay biyo qabadka KLM4 ee Degmada Waaberi, kuwaas oo qeyb ka ah qorshaha dib u hagaajinta waraha iyo biyo qabadyada Muqdisho.

Agaasimaha Waaxda Nadaafadda iyo Bilic Soo Celinta ee Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiyaha Guddiga Xaladaha Degdegga ah, Mudane Maxamed Suudi, ayaa sheegay in dhammaan biyo qabadyada magaalada Muqdisho lagu sameyn doono dib u hagaajin ballaaran.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here