Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo ka hadlayay xuska Maalinta Afka Hooyo, ayaa sheegay in wasaaraddu ka go’an tahay horumarinta Af-Soomaaliga.
Wasiirku wuxuu xusay in Af-Soomaaligu yahay dhaxalka ugu weyn ee ay leedahay bulshada Soomaaliyeed, balse uu hadda wajahayo khataro waaweyn. Wuxuu intaa ku daray in wasaaraddu diyaar u tahay dadaallo lagu xoojinayo ilaalinta iyo kobcinta afka.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor