Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaa ka furmay shirka isku xirka xiriirka dowladaha hoose ee degmooyinka iyo wasaaradaha Galmudug.
Shirkaan, oo socon doona muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta dowladda Galmudug.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay hay’adaha gacanta ku haya mashaariicda kala duwan ee deegaanada iyo degmooyinka Galmudug.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi