Baarlamaanka Iiraan oo shaqada ka ceyriyay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi

0
11

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirkii dhaqaalaha ee Iran ayaa xilka laga xayuubiyey ka dib markii baarlamaanku u codeeyey in xilka laga qaado iyada oo uu sii kordhayo sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagta.

Abdolnaser Hemmati ayaa xilka laga xayuubiyay kadib markii 182 ka mid ah 273 xildhibaan ay u codeeyeen, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka baarlamaanka muxaafidka Mohammad Bagher Ghalibaf Axadii, lix bilood uun ka dib markii ay xilka la wareegtay madaxweynaha qunyar socodka ah ee Masoud Pezeshkian.

Sannadkii 2015-kii, Riyaalka Iiraan waxa uu qiimihiisu ahaa 32,000 Doollarka Maraykanka, balse markii uu Pezeshkian xilka la wareegay bishii July, waxa uu hoos ugu dhacay illaa 600,000 oo Doollarka Maraykanka ah.

Falanqeeyaasha ayaa tilmaamaya in hoos u dhaca ay sababeen colaadaha ka taagan Bariga Dhexe iyo cunaqabateynta Mareykanka saarey Iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here