Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Degmada Caabudwaaq ayaa si rasmi ah looga daah-furay xarunta Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka, taasoo u fududeyn doonta shacabka helitaanka kaarka aqoonsiga muwaadinimo.
Munaasabadda daah-furka xarunta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha degmada Muxiyadiin Aadan Wali oo ay weheliyaan Guddoomiye Kuxigeenka degmada, Xoghayaha Dowladda Hoose, iyo xubno ka socday Hay’adda NIRA. Xubnahan ayaa bogaadiyay dadaallada lagu hormarinayo nidaamka diiwaangelinta muwaadiniinta.
Liban Mohamed Abdi ayaa soo jeedinaya.