SoDMa oo gargaar gaarsiisay degaano ka tirsan shabellada dhexe.

0
38

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa 11 gaadiid ah oo sida shixnado kala duwan ee gargaar ah geysay deegaano hoostaga degmooyinka Aadan Yabaal iyo Al-Kowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe, si loo gaarsiiyo shacabka dhibaatada ka soo gaartay abarihii iyo colaadii halkaas ka dhacday.

Gaadiidkan ayaa wada qeybaha kala duwan ee raashinka, daawada, teendhooyinka, iyo agabyo kale oo muhiim ah, waxaana gargaarkaan ka mahad-celiyay shacabka ku nool deegaanadan, kuwaas oo iskugu darsoomeen abaaro iyo colaadda ka jirta halkaas.

Abdifitah Mohamed Ahmed ayaa soo jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here