Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Galmudug, Xassan Cabdulqaadir Xussein, iyo masuuliyiin kale ayaa ka qayb galay daah-furka Hay’adda Safiirradda Bini-aadamnimada Humanity Ambassadors Foundation Hay’addan waxay ka shaqeysaa arrimaha samafalka iyo bini-aadamnimada sida gargaarka, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta dhaqaalaha, iyo isdhexgalka bulshada.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale lagu daah-furay mashruuca Afuri Walaalkaaga Sooman, oo ah barnaamij muhiim ah oo ka jawaabaya baahiyaha degdegga ah ee taagan hadda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed