Gavi oo ku guulaystay abaalmarinta Da’yarka Ugu Fiican

0
35

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Gavi ayaa ku guulaystay abaalmarinta da’yarka ugu fiican adduunka ee Kopa Trophy kadib xilli ciyaareed cajiib ahaa oo uu soo qaatay.Gavi ayaa abaalarinta ka badalay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Pedri kaas oo ku guulaystay sanadkii hore ee 2021.Xiddiga Gavi ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Real Madrid ee Eduardo Camavinga oo galay kaalinta 2-aad.Xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala ayaa isaguna galay kaalinta 3-aad ee tartanka abaalmarinta da’yarka ugu fiican adduunka ee Kopa Trophy.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here