Boqolaal qoys danyar ah oo deq rashin ah loogu qaybiyay degmada Kaaraan

0
6

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Boqolaal qoys oo ka mid ah danyarta ku dhaqan degmada Kaaraan ayaa maanta loo qeybiyay raashin loogu talagalay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Kaalmadan oo ka timid hay’ado samafal tadamun ayaa loogu talagalay in ay gacan ka siiso qoysaska u baahan taageerada, si ay ugu soomaan si raaxo leh.

Raashinka la qeybiyay ayaa ka kooban cunnooyin muhiim u ah soonka sida bur, bariis, sonkor, saliid, timir, iyo cuntooyin kale oo daruuri ah.

Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here