Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka oo sanad kasta la xuso 8-da Maarso ayaa maanta si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Wasiirro, Marwada Madaxweynaha JFS, iyo masuuliyiin kale.
Munaasabadda ayaa diiradda lagu saaray doorka haweenka Soomaaliyeed ee nabadda, horumarka iyo siyaasadda, iyadoo laga hadlay caqabadaha ay la kulmaan iyo fursadaha loo abuuri karo si ay u gaaraan xuquuqdooda buuxda.
Abdulahi Abdulkadir Ayaa faahfaahinaya.