Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Jurgen Klopp ayaa sheegay inuu ku soo laaban doono Anfield maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka ka dib markii uu casuumaad ka helay tababare Arne Slot.
Reds ayaa dhaaftay dhammaan wixii laga filayey xilli ciyaareedkii ugu horreeyay ee Slot, iyagoo ku dhaw inay ku guulaystaan Premier League, iyadoo 13 dhibcood ka horeeya kooxda ugu dhow ee Arsenal, iyagoo 10 kulan ka dhimman xilli ciyaareedka.
“Haa, qorshuhu waa inaan joogo Liverpool, laakiin ma aha inaan saarnaado baska, waxa aan la joogi doonaa dadka aan ku arkay baska,” Klopp ayaa yiri.
“Waxa aan u malaynayaa inaan aadi doono Liverpool kulanka ugu dambeeya,” ayuu sii raaciyay.