Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin katirsan Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Biyo dhaamin u sameeyay qaar ka mid ah dadka ku Nool Tuulooyin hoos taga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Shacabka Loo sameyey biyo dhaaminta ayaa ah kuwa soo wajahday Biyo yari baahsan maadam uu dalka ka jirta roob yeri Tuulooyinkoodana aan laheyn Ceelal biyo ka dhaansadaan ama Lagu Keediya waxeyna ay nasiib u yeesheen in la gaarsiiyo dhowr Booyada oo Biyo ah.
Warkan waxaa faah faahinaya: Abdifatah Mohamed Ahmed