Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Horncenter Dialogue oo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa ku soo gabagabeysay Degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud barnaamij ku saabsan Hababka Taageeridda Isku-xirka iyo Horumarinta Haweenka Golaha Deegaanka, Hooyooyinka Nabadda, iyo Xiriirkooda Hogaaminta. Tababarkani ayaa diiradda saaray sidii haweenka ay kaalin muhiim ah uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo hogaaminta, gaar ahaan taageerida nabadda iyo isku-xirka bulshada. Intii uu socday tababarka, waxaa la xoojiyey doorka haweenka ee hogaaminta iyo sida ay uga qayb qaadan karaan xalinta khilaafaadka iyo hormarinta bulshada.
Warkan waxaa faah faahineysa: Sadio Abdulkadir Yusuf