Ardayda Maqalka Naafada ka ah ee wax ka barta Gaalkacyo oo codsaday in laga caawiyo baahiyo dhanka waxbarashada ah.

0
46

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ardayda maqalka naafada ka ah ee wax ka barata magaalada Gaalkacyo ayaa codsaday in laga caawiyo baahiyaha dhanka waxbarashada, iyagoo sheegay in ay la kulmaan caqabado badan oo xagga agabka waxbarashada ah, fasiraadda luuqadda dhagoolaha, iyo helitaanka macallimiin si gaar ah u tababaran.
Ardayda oo ka kala socda dugsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada ayaa tilmaamay in ay dareemayaan dib-u-dhac waxbarasho marka loo eego ardayda kale, maadaama aysan helin agab waxbarasho oo ku habboon baahidooda.

Warkan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here