Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Real Madrid ayaa u gudubtay wareega siddeed dhammaadka Champions League-ka kadib markii ay rigoorayaal kaga adkaadeen Atletico Madrid, kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Metropolitano.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar-dar leh, iyadoo Conor Gallagher uu Atletico Madrid u dhaliyay gool daqiiqadihii hore ee ciyaarta, taasoo cadaadis saartay Real Madrid inay raadiyaan goolka barbaraha. Inkasta oo ay isku dayeen fursado kala duwan, Los Blancos ma aysan helin goolka ilaa daqiiqadihii dambe ee ciyaarta.
Daqiiqadii 85-aad, Real Madrid ayaa heshay fursad dahabi ah markii loo dhigay rigoore, balse Vinicius Jr. ayaa ka khasaariyay, taasoo niyad jab ku keentay taageerayaasha kooxda. Ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 oo ay Atletico ku hoggaamineyso, taasoo keentay in lagu daro waqti dheeri ah.
Waqtiga dheeriga ah, labada kooxood ayaa sameeyay fursado, balse ma jirin wax gool ah oo la dhaliyay, waxaana la isla gaaray rigoorayaal. Intii lagu jiray rigoorayaasha, Julian Alvarez oo Atletico u ciyaara ayaa ku guuldareystay inuu rigoore dhaliyo kadib markii uu laba jeer taabtay kubadda, taasoo keentay in goolkiisa la diido. Dhanka kale, Antonio Rüdiger ayaa dhaliyay rigooradii guusha u horseeday Real Madrid, isagoo xaqiijiyay inay u gudbaan wareega xiga.
Guushan ayaa ka dhigan in Real Madrid ay wajahdo Arsenal wareega siddeed dhammaadka, halka kulamo kale oo xiiso leh ay ka dhici doonaan tartanka, sida Barcelona oo la ciyaari doonta Borussia Dortmund iyo Bayern Munich oo wajahaysa Inter Milan. Kulamadaas ayaa la filayaa inay qabsoomaan bisha Abriil, iyadoo kooxaha oo dhan ay hiigsanayaan inay gaaraan finalka oo ka dhici doona Allianz Arena ee magaalada Munich.