Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka Degmada Cadaado, oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa ka qayb galay salaadda roob-doonta ee magaalada Cadaado, iyada oo lagu baryayay Alle (SWT) in uu roob khayr qaba keeno.
alaadda ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada, Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), culimada deegaanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Culimada degmada ayaa hore u iclaamiyay salaadda, waxaana bulshada iyo maamulka loogu baaqay in ay ka soo qayb galaan.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi