Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa kulan afurin iyo soo dhoweyn isugu jira u sameysay Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Midowga Golayaasha Culimada, Sheekh Aaden Abuukar Cusmaan (Sheekh Suufi Yare).
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa bogaadiyay midnimada, iskaashiga iyo isku-duwidda dalladaha, isagoo culimada uga mahadceliyay dalaalladooda wacyi-galinta bulshada iyo ka ka qeyb-qaadashada dadaallada bani’aadannimo.
Warkan waxaa faah faahinaysa: Hamdi Dirie Ali